Mudo dheer kadib Faisal Khan waxaa maalinta Jimcada ah tiyaatarada loo saari doonaa filim cusub oo lagu magacaabo Chinar: Daastaan-E-Ishq.
Laakiin Faisal Khan ayaa sheegay in walaalkiis Aamir Khan uusan filimkan daawan doonin sidoo kalena wax ka xayeysiin karin.
Faisal ayaa xusay in Aamir uu ku maqan yahay gobolka Punjab asigoo ku duubayo filimka Dangaal sidoo kalena uusan fursad u heli karin inuu daawado filimkiisa Chinar: Daastaan-E-Ishq.
Faisal Khan ayaa meesha ka saaray in isaga iyo walaalkiis weli xurguf dhex taalo wuxuuna sheegay inay Aamir marwalbo wada xariiraan.
Faisal iyo Aamir hada ka hor ayaa xurguf dhex martay xili uu Faisal xanuunsanaa sidoo kalena dhanka dhimirka maskaxda laga haayay balse haatan dib ayay u heshiiyeen labada walaalo.