RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheekada Jimacaha) Qeybta 8aad

0
7269

Qeybta 8aad

”Wallee waa run dhibaatada ka weyn maxay tahay gurigaaga oo duma..? ayay tiri Naagtii kale oo iyaduna cabsi ka muuqato.
” Fool xumada uu guriga kaaga duma ayaa wax weliba ka daran” ayaan iri anigoo muujinaaya guri dumay in uusan dhibaato sidaa u weyn lahayn.
” Ilaahow hana ceebeyn oo fool xumadaas oo kale hana tusin waan ku tuugnee..” ayay Naagtii kale ku calaacashay, iyadoo uu dhidid aad u fara badan ka qulqulaayo.
” Habeenkii markuu soo noqday Ninkaada…” ayay tiri Haboon iyadoo aysan dhameystirin Su’aashii ay weydiin rabtay Marwo Suleeqa.
” Muxuu sameeyay ninkaaga markuu yimid..? ayay la soo booday Naagtii kale iyadoo dhameystireyso su’aashii si ay u ogaato natiijada.
Marwo Suleeqa intey soo qabsatay shaahigii miiska saarnaa, dhowr jeerna kabatay, ayay sheekadii halkii ka sii waday, iyadoo koobkii shaahiga ugu jiray kor u heysa.
”Intaan niyadeyda dejiyay ayaan iska qubeystay, anigoo diyaar u noqday wax walba oo ley yiraahdo in aan u babac dhigo, kana su’aal kasta oo ku saabsan bixitaankeygii galabta, hadii wax leyga weydiiyo, Run iyo beenba, wax uu uga jawaabo”.
Fiidkii markuu yimid, sida ay caadadu ahayd markuu qaad wato, ayuu u fariistay qaadkii si uu u dhameysto, anna agta ayaan ka fadhiistay, sheekooyin caadi ah ayaan ka sheekeysanay, farxadna wey ka muuqatay, ugu danbeyntiina waan seexanay, anigoo ka dareemin wax caro ah ama is bedel ah amaba hadal tuur tuur ah, mana ley weydiinin wax ku saabsan dhacdooyinkii galabtaasi.
”Boqor dheh…!! waxaasaa Nin ah…!!” ayay la soo booday Naagtii kale, iyadoo aad ugu faraxday, sida ay Marwo Suleeqa u badbaaday.
”Alla Suleeqay …..adiga oo kaliya ayay qudad iyo murugo ku dishay…” ayay tiri Haboon oo Marqaanka u baxaayay.
”Ma waxaan ku murugoonbaa…!, waayo waxaan ogahay badweynta aan ku dhex jiray fool xumadeeda…” ayay tiri Marwo Suleeqa oo qiil u yeelaysay rafaadka ay soo martay.
”Markaa kadib sidee wax yeeshay..? ayay Haboon wax weydiisay Marwo Suleeqa.
”Habeenkaasi waxaan go’aansaday in aan ka dhex baxo badaas oo dhan , oo aan u soo jeesto dhaqashada reerkeyga” ayay tiri Marweo Suleeqa ”Balse maxaa ka danbeeyay hee…!!” ayay hadana raacisay hadakeedii.
”Wagareey wagar..!! Armaad tiraahdaa go’aankii aan gaaray ayaan ka noqday..” ayay la soo booday Nagtii kale, iyadoo yaaban.
”Ka baxday aaa…! waxbaa igu dhici doonee ee bal sug” ayay tiri Marweo Suleeqa.
”Hi….! wixii kugu dhaca waa waxaad adiga isku dhigtee…!?” ayay tiri Haboon, iyadoo eeda saareysa Marweo Suleeqa.
”Bal suga sheekada ha naloo dhameeyee ” ayay tiri Asli oo aad u xiiseyneysay sheekada.
Markii cabaar la aamusnaa, ayay Marweo Suleeqa sii waday sheekadii ”muddo seddex todobaad ah ayaan ka dhaqaaqin gurigeygii oo aanan meelna aadin, waxaana u sheegay Asxaabetda, waa ku aan isla qiyili jirnee, anigoo curdaar ka dhiganaya in aan aadi doono Safar gobolada ah, balse aan la soo xiriiri doono markuu Ilaahey isoo nabad celiyo, hase yeeshee todobaadkii ayaan is celin waayay, waayo waxaad baratay waa baaskaagee, halkii ayaan ka sii waday balwadaydii baas oo aan dib ugu biiray kooxdeydii”.
”Alla suleeqaay …. waxbaa ku wada markaasi, ee ka joog yaa ku dhaha…” ayay tiri Naagtii kale iyadoo eegeysa Marweo Suleeqa.
”Yaa i dhahaayahee ..! waa markii ay iigu darneyd oo aan shabaqa ku dhici doonee..!” ayay tiri Marweo Suleeqa iyadoo indhaha nala raaceysa.
La soco qeybta kale Jimcaha soo socda..

Waxaa Qorey:

Abshir Cali Warsame (Shire)

Xafiiska Markacadeey.com

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: madkacali@hotmail.com

[cplw category=”659″ width=”500″ height=”500″ effects=”scrollHorz” posts_to_show=”11″ time=”1000″ sort_by=”date” excerpt_length=”10″ thumb_width=”150″ thumb_height=”150″ date_format=”F j, Y” display=”thumb” order=”desc”]