Salman Khan Ma Wuxuu Ku Faraxsan Yahay Jabka Soo Gaaray Kangana Ranaut!!

0
2332

salman and kangana

Times of India ayaa shaaca ka qaaday arin xiiso badan waxayna kasoo xigatay shabada Bollywood Life, arinkan ayaa ah in Kangana Ranaut iyo Salman Khan uusan haatan xiriir wanaagsan ka dhaxeynin.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Kangana ay ku eedeesay guuldarada filimkeedii ugu dambeeyay Katti Batti inuu sabab u yahay Salman Khan.

Kangana ayaa laga soo xigtay inay Salman ku eedeen in Director Nikhil Advani uu ka mashquuliyay masuuliyadii ka saarneed filimka Katti Batti.

Director Nikhik Advani filimkii Hero ee Salman Khan qarash gareeyaha ka ahaa asiga ayaa sameeyay waxaana lagu eedeeyay inuu sheekada iyo isku xirka filimka Katti Batti uu dayacay kaliya uu ahmiyada siiyay sidii uu Hero ku guuleesan lahaa.

Sidoo kale Kangana inay filimka Katti Batti sameyso waxaa kula taliyay Salman Khan, sidaa darteed xidigtan waxay aaminsan tahay in Salman uu filimkeeda jabkii ku dhacay sabab u yahay.

Kangana waxay ka xumaatay in Salman uu Nikhil Advani si gaar ah u mashquuliyay sidoo kalena filimkii Katti Batti ee Salman ka talo bixiyay isagana la iska hilmaamay.

Sidoo kale Kangana waxay sheegtay kalsooni ay Salman ku qabto awgeed ay filimka Katti Batti ku aqbashay xitaa sheekada filimkan aysan aqrisanin markii hore, laakiin ay haatan ka xun tahay filim sheeko ahaan aad u liitay inuu Salman kula taliyay sameyntiisa.

Qilaafka Kangana iyo Salman intaas kuma eko waayo xidigtan dhawaan waxay iska diiday inay Salman la jisho filimka Sultan.

Sidaa darteed labadii wanaaga ka dhaxeyn jiray sidoo kalena saaxiibada ahaa haatan waxaa la baahinaa in xiroorkoodii uu xumaaday.

Inkastoo warbixintan shabakado caan ah ay qoreen hadana Salman iyo Kangana wax war ah lagama haayo oo la xariiro inay xurguf ka dhaxeyso.

243 total views, 243 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan