Super Star Salman Khan ayaa si rasmi ah u sheegay inuu xidiga dhalinta yar Ahaan Shetty isaga soo caan bixin doono sidoo kalena filim u qarash gareyn doono.
Ahaan Shetty waa wiilka uu dhalay Suniel Shetty sidoo kalena la filaayo in dhawaan uu fanka kusoo biiro, wuxuuna qorshaha ahaa in Sunil uu wiilkiisa isaga filim u maal galiyo.
Laakiin Salman Khan ayaa dareemayo inuusan u hagar bixin Sooraj Pancholi iyo Athiya Shetty madaama filimkoodii Hero uu noqon waayay sidii laga filaayay iyo si u dhow.
Sidaa darteed Salman Khan ayaa kulan la qaatay Suniel Shetty wuxuuna u sheegay in masuuliyada Ahaan Shetty soo caan bixintiisa uu isaga la wareegi doono sidoo kalena uu doonayo inuu iska dhaqo niyad xumada uu ka qaaday fashilkii filimka Hero.
Sidaa darteed Salman ayaa diyaarinaayo mashruuc qaali ah sidoo kalena sheekadiisa aad u sareyso wuxuuna wacad ku maray Ahaan Shetty inuu usoo caan bixin doono si aan waligeed atoore Bollywood-ka ku cusub loo soo caan bixinin!