Filimada Shandaar iyo Tamasha waa labo filim oo siweyn loo sugaayo sidoo kalena ay hogaamiyaal ka yihiin xidigo Bollywood-ka shacbiyad balaaran ku leh.
Filimka Shandaar waxaa wada jilayaan Shahid Kapoor iyo Alia Bhatt waxaana Director ka ah Vikas Bahl oo ah ninkii sameeyya filimkii Queen ee sanadkii hore guusha weyn gaaray sidoo kalena abaal marinada faraha badan lagu qaatay.
Tamasha waxaa hogaamiyaal ka ah Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone halka uu sameeyay filimkan Imtiaz Ali oo looga dambeeyo sameynta aflaanta jeceylka ah sida Jab We Met, Love Aaj Kaal, Rockstar iyo kuwo kale sameeyay.
Shandaar waxaa la daawan doonaa 22 bishan October waana filim xiiso badan lana hadal haayo madaama Shahid Kapoor iyo Alia Bhatt ay markii ugu horeesay shaashada kasoo muuqan doonaan.
Tamasha waxaa la daawan doonaa 27 bisha November waxaana mu midoobeen labada nasiibkooda isku fiican yahay Ranbir iyo Deepika lana filaayo inuu guul weyn gaaro.
Hadaba aqriste labadan filim ee jeceylka ah sidoo kalena aad loo wada sugaayo filimkee isleedahay wuu lacag badnaan doonaa ama guul weyn gaari doono????????