Markale lama sugi doono heesta xiisaha badan ee filimka Prem Ratan Dhan Payo magaciisa ayaa daaha laga qaaday waana hees si wacan uu usoo habeeyay Director Sooraj Bartajya.
Suldaan Salman iyo amiiradiisa Sonam ayay heestan qaas u tahay weliba Sonam dhaqanka Hindiya inay ku qurxan tahay ayay heesta Prem Ratan Dhan Payo kusoo bandhigtay.
Inaba caadi ma ahan codka gabadhada heesaaga ah Palak Muchhal oo si wacan ugu luqeesan heeskan sidoo kalena Reshammiya isagana Muusiga si dagan ayuu u habeeyay.
Filimka PRDP waxaa daafaha caalamka laga daawan doonaa 12 bisha November waxaana wada jilayaan Salman Khan oo labi waji ku matalaayo, Sonam Kapoor, Swara Bhaskar, Neil Nitin Mukesh, Deepak Dobriyal iyo Arman Kohli.
Fadlan hoos ka daawo heesta Prem Ratan Dhan Payo adigaaba ka heli doontid: