Action Hero Suniel Shetty ayaa ku booriyay filim sameeyayaasha iyo kuwa aflaanta maal galiyaan inay la imaadaan sheekooyin tayo wanaagsan sidoo kalena fariin adag xambaarsan.
Suniel ayaa doonayo in shaqsiyaadka caanka ah ee Sports-ka qaybihiisa kala duwan heer sare ka gaareen in laga sameeyo aflaan ka hadleyso noloshooda marxaladihii ay soo martay.
Suniel Shetty ayaa daawaday filimkii Mary Kom ee Priyanka Chopra hogaamiyaha ka tahay kaasi oo sanadkii hore abaal marinada lagu qaatay sidoo kalena looga hadlaayay nolosha gabadha feeryahanka Hindiya heerka sare gaarsiiyay Mary Kom.
Suniel wuxuu yiri “Waxaa wanaagsan in Bollywood-ka ay sameeyaan aflaan ka hadlayaan nolosha dadka caanka ah ee Sports-ka cayaari jireen sida filimkii Mary Kom oo kale”
“Bollywood-ka waa inay la jaan qaadi karaan dooqa dadka sidaa darteed daawadayaasha dooqooda wuu is badal waana in la sameeyaan sheekooyin fariin adag si dadka ay tiyaatarada dib ugu soo xiisaan”