Waa Kuwee 10-ka Atoore Ee Ee Lacagaha Ugu Badan Filimada Bollywood-ka Ah Ku Sameeyaan Sanadkan 2015

0
3695

Bollywood actors

Inta badan aqristayaasha shabada ayaa si joogto ah nooga codsadaan inaan la wadaagno 10-ka atoore ee xiligan Bollywood-ka lacagaha ugu badan filimada ku sameeyaan.

Hadaba xogta ku saabsan lacagaha ay filimada ku sameeyaan Bollywood-ka waa mid is bad badal badan sidoo kalena nidaamkii hore atoorayaasha lacagaha kuma qaataan.

Qaar ka mid ah xidigaha Bollywood-ka waxay adeegsadaan siyaasada ah faa’iido wadaag waayo lacago toos ah filimada kuma sabeeyaan ee macaashka filimka laga helo ayay ku leeyihiin saami ka mid ah.

Halka qaar kalena ay filimada qarash gareeye ka yihiin marka side lagu ogaan karaa atoore filim uu qarash gareeye ka yahay lacagaha uu ku sameeyay.

Halka kuwo kalena nidaamka la yaqaan adeegsadaan taasi oo ah in lacago cayiman hormaris loo siiyo sidoo kalena hadhow filimka qasaaro iyo faa’iido aysan shaqo ku laheyn.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa warbixintii ugu dambeesay ee looga hadlay 10-ka atoore ee sanadkan 2015 lacagaha ugu badan filimada ku sameeyaan:

1. Salman Khan – 60 Crore ($9.68M): waa atooraha lacagaha ugu badan filimada ku sameeyo wuxuuna filimkiisii ugu dambeeyay Prem Ratan Dhan Payo oo bisha November la daawan doono ku qaatay sameyntiisa 60 Crore.

2. Aamir Khan – 50 Crore ($8.06M): xidigan filimada nidaamka faa’iido wadaaga ah ayuu ku sameeyaa weliba filimkiisii PK wuxuu qaatay 33% macaashka guud ee filimkan laga helay taasi oo ka dhigeen inuu 130 Crore ($20M) qayb ahaan ugu soo aaday! Laakiin sida caadiga ah dadka filimada ka faaloodaan waxay sicirkiisa suuqa ku jaan gooyeen inuu yahay 50 Crore.

3. Hrithik Roshan – 50 Crore ($8.06M): Xidigan filimkiisa Mohenjo Daro ee sanadka dambe la daawan doono wuxuu ku kasbaday 50 Crore oo faro saar ah weliba guul iyo guuldaro soo gaarto kooxdan filimkan shaqo kuma lahan.

4. Shahrukh Khan – 40 Crore ($6.45M): SRK sandihii ugu dambeeyay filimada uu sameeyay oo dhan isaga ayaa maal galiyay guud ahaan ama qayb ka mid ah sida Ra. One, Don 2, Chennai Express, Happy New Year sidoo kalena filimkiisa Dilwale isaga ayaa qarash gareeye ka ah sidaa darteed xidigan lacagaha uu filimadaas ka helay lama sheegi karo madaama uu iska maal galiyay.

Laakiin dadka ka faaloodaan arimaha Boxoffice-ka xiligan la joogo waxay ku sheegeen SRK sicirkiisa suuqa hadii uu shirkad aan midiisa ahayn la shaqeeyo uu filimada ku sameenayo 40 Crore.

5. Akshay Kumar – 35 Crore ($5.65M): Kumar sicirkiisa wuxuu ahaa 40 Crore ilaa 45 Crore ayuu u dhaxeeyay. Laakiin xidigan siyaasad asiga u dan ah ayuu qarash gareeyayaasha kula dhaqmaa taasi oo ah inuu filim walbo lacago u gaar ah ku sameeyo tusaale ahaan filimadan mid walbo lacago u gaar ah ayuu ku sameeyay: Holiday (35 Crore), Entertainment (30 Crore), Baby (20 Crore), Gabar (40 Crore), Brothers (25 Crore). Sidaa darteed Kumar sicirkiisa ma ahan mid fadhiyo laakiin sida caadiga ah waxaa lagu qiyaasay inuu halkii filim ku sameen karo 35 Crore.

6. Ranbir Kapoor – 30 Crore ($4.84M): Xidigan dhalinta yar halmar ayuu cirka tagay weliba aflaantiisii ugu dambeeyay lacago fara badan ayuu ka helay sameyntooda sida Besharam, Roy iyo Bombay Velvet, inkastoo dhamaan filimada ay guul dareesteen hadana Ranbir lacago fara badan ayuu ku sameeyay, waxaa la dhowraa mustaqbalka dhow hadii filimkiisa Tamasha uu guul dareesto dabcan lacagaha uu ku shaqeeyo siweyn ayay isku dhimi doonaan.

7. Ajay Devgan – 25 Crore ($4.03M): Jilaagan lacago fara badan ayuu kasbadaa madaama uu aflaanta qaar qarash gareeyo sidoo kalena mararka qaar uu faa’ido wadaag adeegsado laakiin sicirkiisa caadiga ah ee uu halkii filim ku sameeyo waa 25 Crore.

8. Amitabh Bachchan – 20 Crore ($3.22M): Ruug cadaagan weli saaxada kama bixin sidoo kalena sanadkii hore 2014 wuxuu ka mid ahaa sedexda xidig ee daqliga ugu badan usoo xarooday kuwaas oo Bollywood-ka ka tirsan, inkastoo mashquulkiisa badan yahay hadana halkii filim sameyntiisa 20 Crore ayuu ku qataa waa hadii uu door dhameestiran ku leeyahay.

9. John Abraham – 15 Crore ($2.41M): Xidigan filimkiisii ugu dambeeyay Welcome Back ayaa ka caawiyay inuu safka hore soo galo madaama lagu siiyay sameyntiisa 15 Crore.

10. Ranveer Singh – 15 Crore($2.41M): Xidigan ma aflaan badno sidoo kalena xisaabtankiisa waa mid aad u sareeyo sidaa darteed filimkiisa Bajirao Mastani ee bisha December soo bixi doono wuxuu ku qaaatay sameyntiisa 15 Crore.