Waa sidee xaalada jilaaga John Abraham?

0
3058

John

Action Hero John Abraham ayaa lagu sameeyay qaliin dhanka jilibka ah wuxuuna soo bandhigay xidigan sawir asigoo xaalad soo kabasho ku sugan.

John dhaawac halis ah ayaa dhanka jilibka kasoo gaaray xili uu duubayay ficillo halis ah oo ku jiraan filimkiisa Force 2.

Qorshaha wuxuu ahaa in labo todobaad ka hor xidigan qaliin lagu sameeyo laakiin asiga ayaa diiday wuxuuna door biday asigoo xanuun haayo inuu dhameestiro hawshii dhibka badneyd ee uu filimka Force 2 ka haayay.

John waxaa lagu qalay Isbitaalo ku yaalo magaalada Budapest ee dalka Hungary waxaana halkaas ku wehliyaan dhamaan shaqaalaha filimka Force 2 oo ay ugu horeyso Sonakshi Sinha oo atirishada kowaad ka ah filimkan la wada sugaayo.

Qarash gareeye Vipul Shah ayaa ka xun xaalada lasoo daristay saaxiibkiis John oo haatan mudo todobaad ah ka nasan doono shaqada hortaalo.

John qaliin uma baahan laheyn laakiin taladii dhaqaatiirta usoo jeediyeen ayuu iska diiday taasi oo ahayd inuu nasto haatana lama huraan ayay noqotay in jiliba laga qalo si looga soo saaro dhiig xinjiro ah oo xidida gudaha isku xireen.