Kangana Ranaut Oo Filimkeeda Xiga Ku Matali Doono Hooyo 85-Jir Ah

0
5745

Kangana-Ranaut-as-85-year-old-women

Atirisha heesato abaal marinta National Film Awards Kangana Ranaut ayaa filimkeeda taageerayaasheeda kaga yaaban doonto.

Waayo warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Kangana Ranaut filim cusub oo ay hogaamiye ka tahay inay ku jili doonto hooyo 85-jir ah!

Waa arin cusub in Kangana ay qof waayeel ah shaashadaha ku matasho waxayna ka heshay sheekada filimkan ee uu iska leeyahay Shekhar Kapur.

Kangana ayaa sheegtay in doorkan 85-jir haweeney ah ku matali doonto uu noqon doono midkii ugu dhibka badnaa oo ay ebid matasho.

Xidigtan ayaa jeceyl marwalbo inay wax cusub sameyso sidaa darteed waa arin la wada dhowri doono Kangana oo 85-jir ah iyo saameynta ay la imaan doonto.

Director Shekhar Kapur ayaa sheegay in Kangana ay dhawaan ka aqbashay sameynta filimkan sidoo kalena uu dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono xidigaha Kangana la jili doono iyo arimaha kale ee filimkan quseeyo.

Marakacadeey.com