Dad ku dhaawacmey dagaaladii Beledweyne oo Muqdisho loo soo qaadey..

0
1393

Beledweyne-po

Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baladweyne, Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay in Isbitaalka la soo gaarsiiyay 51 Ruux oo ku soo dhaawacmay Dagaalladii ka qarxay Galbeedka magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Axmed Maxamed Khaliif, Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday 3 Ruux oo isbitaalka wax looga qaban waayay in ay u soo gudbiyeen Magaalada Muqdisho si xaaladooda Caafimaad loogula tacaalo Isbitaalada Muqdisho.

Sikastaba, dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa isugu jira Caruur, Haween iyo Dad da’an ah kuwaasi oo dhamaantoodba ku dhaawacmay Dagaal Labo Maleshiyo Beeleed ku dhexmaray Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.