Iran oo xir xirtey Haween ayagoo xijaab la’aan ah sawiradooda laga helay baraha Internet-ka

0
5917

soco

Dowladda Iran ayaa sheegtay in ay xabsiga u taxaabtay ugu yaraan 8 qof oo lagu soo qabtay howlgallo ka dhan ah hablaha aan Xijaabka tix galinin.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dadka la soo xir xiray ay ahaayeen dumarka xayeysiiya dharka ee loo yaqaano Modelka kuwaas oo Fashion sameynaayay iyagoo aan timaha daboolanin.
Dadka xabsiga loo taxaabay shalay oo Isniin ahayd ayaa waxaa ku jira 7 haween ah oo la sheegay in ay sawirro ay iska qaadeen kadibna soo galiyeen baraha xiriirka bushada sida aalladda loo yaqaanno Instagram.
Tallaabada lagu soo xiray dadkaan ayaa qeyb ka ahayd howlgallo qarsoodi ah oo mudooyinkii dambe si is daba jog ah looga sameynaayay gudaha dalkaasi.
Dumarka xiran ayaa lagu wadaa in ay dhawaan maxkamadda ka soo hor muuqdaan ayna wajahaan dacwado ku saabsan in ay awaamiirta shareecada Islaamka u hogaansami waayeen.
Iran ayaa horay tallaabooyin noocaan ah uga qaaday haweenka aan asturneyn, iyadoo xeerkaan tix galinta xijaabka ah looga baahan yahay xitaa haweenka ajaanibta ah Diinta Islaamkana aan heysanin ee dalkaasi ku sugan.

Markacadeey.com