Suniel Shetty “Waa Hubaal Aniga Iyo Athiya Shetty Filim Waan Wada Sameyn Doonaa

0
6059

suniel-athiya-75954

Bollywood Action Hero Suniel Shetty oo ka mid ah shaqisyaadka 25-sano ee ugu dambeesay fanka ku dhex jireen ayaa ka dhawaajiyay inuu gabdhiisa curada dhawaan filim la sameyn doono.

Suniel gabadhiisa Athiya Shetty sanadkii hore ayay Bollywood-ka kusoo biirtay waxayna kusoo caan baxday filimkii Hero oo ay Sooraj Pancholi la sameesay.

Hadaba Suniel wuxuu yiri “Waa hubaal aniga iyo Athiya filim xiriirka aabonimo ka hadlaayo ayaan wada sameyn doonaa dhawaan”

“Marka hore Athiya haka mid noqoto xidigaha Bollywood-ka ka dhex muuqdaan kadib waa hubaal inaan fariin wacan isla sameyn doono”

Suniel ayaa la weydiiyay sababta gabadhiisa ilaa haatan filim labaad u saxiixanin wuxuuna yiri “Tan iyo maalintii ay filimka Hero sameesay Athiya dalabaadyo kala duwan ayaa mar walbo loo soo bandhigaa balse wey iska diidaa”

“Waxay rabtaa fariin saameyn leh inay sameyso waxaana rajeynaa todobaad gudihiisa ama bisha nagu soo fool leh inay shaaca ka qaadi doonto filimkeeda xiga oo ay sameyn doonto”

Suniel Shetty ayaa gabadhiisa Athiya ku amaanay sida ay qof isku filan u noqotay wuxuuna yiri “Waxaan ahay aabo ku faani karo gabadhiisa waayo Athiya Bollywood-ka si wacan ayaa looga bartay sidoo kalena hawlaha Model-ka si joogto ah ayay kaga qayb gashaa”

“Maanta waxay taagan tahay heer ay iyada is maareyn karto qarashaadkeeda nolosha iyo wax walbo oo ay u baahan tahay, runtii aabo walbo wuxuu jecel yahay inuu arko caruurtiisa oo masuuliyad qaadi karaan noloshooda maareesan karaa”

Markacadeey.com