Magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, ahna Fariisinka kmg-ka ah ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa xalay lagu qabtey Bandhig faneed si weyn looga qeyb galay.
Fanaaniin Badan oo uu ka dhex muuqdo Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa Bandhig faneedka ka dhex muuqdey, kuwaasi oo soo bandhigey suugaan kala duwan oo intii daawatey ay aad uga heleen.
Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa goobta ka qaadey Hees aad looga daba dhacey oo uu ku qaadayay Lahjada mayga, iyadoo dadkii Bandhiga ka qeyb galay oo u badnaa dadka Lahjada Maayga ku hadlaa ay aad ugu riyaaqeen.
Dad badan ayaa isweydiiyey Nimcaan goorta uu bartey Lahjada Maayga, Maadaama intii uu heeska ku luqeynayay uu u uuqdey sida dadka ku hadla oo kale.
Hilaac ayaa horey bandhig uga sameeyey magaalada Muqdisho.
Hadaba Halkaan kaa Daawo heeska Nimcaan uu ku luqeeyey ee Mayga ah.
Markacadeey.com