Shariif Sheekh Axmed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0
1274

timthumb-6

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa goor dhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Diyaaradii siday Madaxweynaha ay ka soo degatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo xilal horay uga soo qabtay dalka ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay Garoonka Aadan cadde Shariif Sheekh Axmed.

Inkastoo Bahda Warbaahinta loo diiday inay muuqaalo ka soo duubaan Garoonka Aadan Cadde, ayaa hadana Waxaa la sheegay Shariif Sheekh Axmed inuu Nairobi horay uga soo kaxeystay Koox Suxufiyiin ah si ay muuqaalka uga duubaan xilliga uu soo degaayo.

Madaxweynihii hore ee Somaliya oo saameyn badan ku leh arimaha Doorashada, ayaa keentay in Madaxda Dowladda ay soo saaraan amaro kala duwan oo caqabad ku noqonaya Musharaxiinta imaanaysa Magaalada Muqdisho.

Dadweyne fara badan oo ku sugan afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde, ayaa ku qeylinaya erayo kala duwan oo ay taageero ugu muujinayaan imaanshaha Shariif Sheekh Axmed ee Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa la filayaa inuu Saxaafadda la hadlo, wuxuuna faah-faahin ka bixin doonaa Safarka uu ku yimid Magaalada Muqdisho.

Muqdisho, ayaa xilligaan waxaa si weyn uga socoto Ololaha Doorashada Madaxtinimada dalka Somaliya oo la filaayo bilaha soo socda dalka inay ka qabsoonto.

diyaar-garow shariif2 shariif-2222 soo-dhoweyn1 soo-dhoweyn11 soo-dhoweyn111 soo-dhoweynos

Markacadeey.com