Ahlusunna Waljamaaca oo u ruuqaansaday dhanka Degmada Ceelbuur

0
868

Ciidamo Taabacsan Ahlusunna Waljamaaca ayaa u ruuqaansaday Dhanka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Magaalada Ceelbuur ayaa dhawaan waxaa isaga baxay Ciidamada Ethiopia iyadoona ay la wareegeen Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca ay ka soo saareen qorshaha Ciidamadoodu ugu ruuqaansadeen dhanka Degmada Ceelbuur.

Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa u muuqata Saaxo Dagaal iyadoo weli dadka Shacabka ah aysan ku dhiiran in Guryahoodii dib ugu laabtaan maadaama ay ka cabsi qabaan Dagaallo ka qarxo degmadaasi