Arsene Wenger Oo Si Adag Oo Quus Goyn Ah Ula Hadlay Jamaahiirta Arsenal Ee Kasoo Horjeeda Sidoo Kalana U Diray Baaq Muhiim ah.

0
1021

Tababare Arsene Wenger ayaa si adag ula hadlay Jamaahiirta kooxda ee mar walba sameeya waxyaabaha ay isaga kaga soo horjeedaan isagoo soo jeediyay iney tahay arin ay waqtigooda qaaliga ah ku qasaarinayaan.

Jamaahiir aan ku faraxsaneen kooxda Gunners ee hadda ayaa mar walba sameeya qoraalo ay kaga soo horjeedaan macalinka reer France kuwaas oo shalayto boorar geeyay xerada tababarka markii ugu horeysay.

Arsene oo ku dhaw inuu laba sano oo heshiis ah qalinka ugu duugo kooxda ka dhisan Emirates ayaa dareensan in ugu yaraan ay tamartooda u gaarka ah qasaarinayaan. Sidoo kale Arsene wuxuu ka dhawaajiyay in waxyaabahaas oo kale ay adkeynayaan inuuba sii joogo kooxda isla markaana uusan ku jahawareeri doonin Jamaahiirta aan faraxsaneen. “Daacadii, ma garan karo waxaan iraahdo, waa arin wanaagsan hadiiba ay maalintooda sidaan oo kale u qasaarinayan” ayuu yiri Arsene. Dhanka kale Jamaahiirta Gunners ayaa sidoo kale caawa kulanka ay kooxda Emirates kusoo dhaweyneyso West Ham sameyn doona wixii ay caadada ka dhigteen iyo dibad baxii ay kaga hor jeedeen Arsene, balse si adag ayuu mar kale ula hadlay.

“Waan ka taxadarayaa Arsenal, kooxda, wixii ay hanatay, waxa ay dooneyso iney hanato, waana waxa aan doonayo inaan qabto, waxaan taageeri doonaa Arsenal xitaa hadii aanan halkaan joogin, runtii si la mid ah sida aan hadda sameynaayo”

“Waxa aan dooneyno waa iney Jamaahiirta garab istaagaan kooxda, waan jeclahay inaan guuleysto, waxaana diirada saarayaa midaas, waxaan ku hogaamiyay qiimo, waxeyna ila tahay iney tahay tahay wax u wanaagsan nolosha, waxaan kooxdeydsa ula shaqeeyaa si sharaf iyo daacadnimo leh, mana ka cabsanayo dhaleeceyn walba”