Askari lagu dilay Duleedka Magaalada Buuloburte

0
1229

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM qeybta ka ah  howlgal gaar ah ay ku dileen Askari dhawaan ku dilay Magaalada Buuloburte Askari kale oo Jabuutiyaan ah.

Askariga la dilay oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dilay Duleedka Magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Waxaana la sheegay in Howlgalkaasi uu ahaa mid Askariga la dilay lagu baadi goobayay oo horay Askari Jabuutiyaan ah ugu dilay Magaaladaasi Buuloburte.

Askariga Jabutiyaanka ee horay loo dilay ayaa la sheegay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu Haweeney ka ganacsata Qaadka ku Dharbaaxsheeyay Bartamaha Magaalada Buuloburte.