Aubameyang, Dybala & Kane Oo Hogaaminaya Ciyaartoyda Mustaqbalka Dhaw Lagu Iibsan Karo 100 Malyan.

0
1259

Sida la aaminsan yahay mustaqbalka dhaw ee kubadda cagta waxaa la arki doonaa ciyaartoy badan oo lagu iibsan doono boqolaal malyan, tan iyo markii ay Manchester United 100 Malyan kula soo wareegtay Paul Pogba.

Weeraryahanka xulka qaranka Gabon iyo kooxda Borrusia Dortmund Aubameyang kaas oo 25-gool dhaliyay xili ciyaareedkaan horyaalka Bundesliga ayaa la aaminsan yahay inuu noqon doono xiddiga ugu horeeya ee 100 Malyan lagu iibado. 

Mirror oo warbixintaan soo saartay waxey booska labaad keentay Harry Kane oo ka mid ah da’yarta ugu qaangaarsan kubadda cagta England, waana gooldhaliye aad u wanaagsan, Antine Griezmann oo sidoo kale lala xiriirinayo Man United iyo Chelsea ayaa isna liiska booska 3-aad kasoo galay.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

1. Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund)

2. Harry Kane (Tottenham) 

3. Antoine Griezmann (Atletico Madrid)

4. Paulo Dybala (Juventus)

5. Neymar (Barcelona)

6. Marco Verratti (PSG)

7. Eden Hazard (Chelsea)

8. Philippe Coutinho (Liverpool)

9. Yannick Carrasco (Atletico Madrid)

10. Alexandre Lacazette (Lyon)