Kumanaan qof oo kasoo horjeeda dowladda Sacuudiga ayaa iskusoo baxay Magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa ku qeylinaayay Erayo looga soo horjeedo duqeynta diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ay ka wadaan dalka Yemen.
Dadka ayaa Madaxda Sacuudiga ugu baaqayay in ay joojiyaan duqeynta Maadaama ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah. Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyay in ay dalka Yemen ka geystaan duqeymo ay waxyeelo kasoo gaarto Shacabka.