Britain: Al Shabaab khatar ayee ku yihiin amniga Dalka Soomaaliya

0
807

Safiirka Dowladda Britian u fadhiya Qaramada Midoobay, Matthew Rycroft ayaa waxuu sheegay in Al Shabaab ay khatar ku yihiin amniga iyo nabadda Dalka Soomaaliya.

Danjire Matthew Rycroft ayaa shaaca ka qaaday in Xoogaga Al Shabaab sidoo kale ay khatar ku yihiin amaanka Gobolka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjiraha waxuu tilmaamay in Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya, lagu qaban doono Magaalada London Bisha May ee soo socota.

Waxaa uu qeexay in Shirkaasi looga arinsan doono horumarka, nabadda iyo amniga Dalka Soomaaliya.

Danjire Matthew Rycroft ayaa waxuu qeexay in muhiim ay tahay sii wada Dagaalka xoogan ee lagula jiro Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay ayaa waxuu shaaciyay in Al Shabaab aan looga adkaan karin hab militari balse horumarada la sameynayo ay u muuqdaan kuwa looga adkaan karo Xoogaga Al Shabaab ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.