Ciidamada Galmudug oo xoog ku soo furtay Doonyo Burcad badeeda haysteen

0
707

Ciidamada badda ee maamulka Galmudug ayaa weerar xoogan waxay ku qaadeen Kooxo burcad badeed Somali ah, kuwaasi oo ku sugnaa xeebaha Gobolka Mudug, islamarkaana haystay Labo Doon oo midi ganacsi tahay. 

Ciidamadan ayaa ku guulaystay in si awood ah ku soo furtaan doonyaha ay haysteen burcad badeedda, waxnaana saraakiisha ciidamada Galmudug xaqiijiyeen in sidoo kale ay soo furteen qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa, qaarkoodna ay la baxsadeen burcadda.

C/naasir Diirshe Xalane, Taliyaha hawlgallada ciidamada Galmudug ayaa xaqiijiyay in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen weerarkii ay ku qaadeen kooxaha burcad badeedda ee ku sugnaa xeebaha u dhaw deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug.

“Waxaa lagu guuleystay inaan soo furano Labo doonyo oo mid ganacsi ay tahay, shaqaalihii qaar waxaa la baxsaday Burcad badeedda, waana lagu raad joogaa, waxaan rajeyneynaa inaan soo qabanno, hawlgalka wuxuu ahaa mid abaabul ah oo dhanka dhulka ah, laguna go’doomiyay burcad badeedda, qorshuhu wuu soconayaa illaa xalka ugu dambeeya la gaaro.” ayuu yiri Xalane.

Burcad badeedda Somalida ayaa todobaadkii tagay waxay Labo doon ku qafaasheen xeebaha Gobolka Mudug, hase ahaatee ugu dambeyn doonyahaasi waxaa qabtay ciidamada Puntland