Dani Alves Oo Ka Hadlay Guushii Ay Ka Heleen Barcelona & Kulanka Camp Nou Lagu Balansan Yahay

0
1423

Dani Alves ayaa kulankiisii ugu horeeyay ka hor yimid kooxdiisii hore Barcelona tan iyo markii uu sida xorta ah uga tagay xagaagii hore.

Ciyaariyahanka reer Brazil ayaa lugta lugta u saaray Neymar Junior wuxuuna xalay u ciyaaray si ka wanaagsan maalin walba oo kale madama uu aad uga dhex muuqday kulanka walow uu kaar gudoomay.

Barcelona 3-0 guuldaro ayey ka qaateen guriga Juventus wuxuuna ujeedkeedu yahay iney tiigsadan semi finalka tartanka inkastoo kulan weyn uu isbuuca dambe Camp Nou ka dhici doono. 

Waxaan kulanka ka yeelnay xuduud dhameystirqann” ayuu yiri wiilka reer Brazil.

Dhanka kale Alves ayaa ka walwalsan kulanka 19-ka April ka dhici doona Camp Nou madama kooxda ka dhisan gobolka Catalonia looga bartay iney soo rogaal celiso.

“Ma aadi kartid Camp Nou si aad u difaacato natiijada sababtoo ah kulanka aad ayuu u dheer yahay” ayuu yiri Alves.

“Waa dareen aad u adag innaad la ciyaarto Barcelona” ayuu yiri Dani Alves.