Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cali Gacal Casir ayaa Maanta ka soo duulay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug,waxaana ay yimaadeen Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa noo xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay u yeertay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas,waxaana loogu yeeray si ay uga qeyb galaan Wada-hadalo Magaalada Muqdisho lagu qabanayo oo u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug.
Sidoo kale Maanta ama berri ayaa la filayaa in Muqdisho ay yimaadaan Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Wada-hadalada Ahlusunna iyo Galmudug ayaa Muqdisho ka bilaabanaya 12-ka Bishaan,waxaana ay socon doonaan illaa 17-ka April sida ay noo sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Ahlusunna.
Doorashada Galmudug ayaa lagu balamay in ay dhacdo 30-ka Bishaan aan ku jirno ee April,iyadoo ay qeyb ka yihiin Ahlusunna Waljamaaca.