Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho keeneysa Maamulka Furaha .SO

0
976

Dowladda Somalia ayaa qorsheyneysa in maamulka .SO lagu soo wareejin doono Dowladda oo  Muqdisho  laga hagi doono mar aan fogeyn.

Furaha .SO ee Soomaaliya ayaa hada laga Maamulaa Xarun weyn oo ku taala Magaalada Sydney e e Australlia .

Shirkii ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ayaa warbiixn la xiriirta qorshahaas looga dhageystay Wasiirka cusub ee Isgaarsiita Soomaaliya isagoo muujiyay rajada ah iney meel hagaagsan hada marayaan qorshayaashaas.

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo ah Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan howshaas loo guda galayo dowladdana ay diyaarineyso halkii laga dhigi lahaa xarunta Cusub.