Farmaajo “DF Dagaalka ugu adag waxay la galeysaa ……”

0
1079

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya Dagaalka ugu adag in ay la gali doonto Musuq maasuqa dalka ragaadiyay.

Waxa uu sheegay Soomaaliya in ay kaalmaha hore kaga jiri jirtay dalalka lagu eedeeyo musuq maasuqa, balse hada ay doonayaan in ay noqdaan dalalka ugu horeeya ee safka hore ka gala la dagaalanka Musuq maasuqa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay juhdi iyo waqti badan in ay ku bixin doonaan sidii ay u ciribtiri lahaayeen Musuq maasuqa, isaga oo sheegay Qof kasta oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyo Musuq maasuqa in Maxkamad lala tiigsan doono. Hadalkan ayuu Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu ka sheegay kulan uu xalay Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.