Fursadaha uu Alexis Sanchez ugu wareegi karo Etihad Stadium xagaaga ayaa sarre u kacday, iyadoo weeraryahanka reer Chile la fahamsan yahay inuu ugu sareeya liiska xiddigaha ay dooneyso Manchester City.
Sky Sports News ayaa sheegeysa in City sarre u qaadatay xiisaheeda weeraryahanka Arsenal kaasoo 14 bilood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan islamarkaana diidan inuu qandaraaska u kordhiyo Arsenal.
Horaantii isbuucaan, warbaahinta Chile ayaa ku warameysay in Sanchez uu durbaba go’aansaday inuu u wareego City isagoo si aad ah ugu dhow inuu heshiis la gaaro.
Radio Cooperativa ayaa sheegtay in City ay diyaar u tahay inay ku soo iibsato adduun lacageed oo gaaraya 50 milyan ginni, waxaana intaas dheer inay u soo bandhigi doonaan mushahar gaaraya 200 kun ginni isbuucii.
Isbuucyadii ugu danbeysay, Sanchez waxaa sidoo kale lala xiriiriyay inuu u wareegayo Chelsea iyo Paris Saint-Germain/
Sanchez ayaa ka hoos ciyaaray tababaraha City Pepe Guardiola markii uu joogay Barcelona, waxaana 28 jirkaan oo 108 kulan u saftay dalkiisa uu ku jahwareersan yahay noloshiisa Arsenal xilli ciyaareedkan.