Galmudug iyo Ahlu Sunna oo uu shir uga furmayo Muqdisho

0
680

Madaxda Maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu shir uga furmo magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay hadda ku suganyihiin Magaalada Muqdisho iyada oo sidoo kale Madaxda Ahlu Sunna la filayo in maanta ama berri ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa hadda ku sugan Muqdisho kaddib markii ay casuumaad ka heleen dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxda Maamulka Ahlu Sunna ayaa iyagana la filayaa in ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga qeyb galaan wadahadalladaas lagu doonayo in maamul mideysan loogu sameeyo Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo horay loo qorsheeyay in la qabto 10kii April ayaa dib loo dhigay muddo 20 maalmood ah waxaana la qaban doonaa 30ka Bishan iyada oo ka horna ay Muqdisho ku wadahadli doonaan madaxda Mamaullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Dowladda Federaalka ahna ay dhex dhexaadiye ka tahay.