Galmudug oo dib u howlgelisay Garoonka Diyaaradaha Hobyo

0
871

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ku guuleystay dib u howlgelinta Garoonka Diyaaradaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Garoonkan waxaa markiisii hore dhisay Gumeystihii Talyaaniga waxaana saameyn taban ku yeeshay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka kuwaas oo uu ku xirmay.

Maamulka Galmudug ayaa hadda dayactir ku sameeyay Garoonak Degmada Hobyo,waxaana xarigga ka jaray Wasiirka Gaadiidka,Cirka iyo dhulka Galmudug.

Garoonkan ayaa waxaa la sameeyay ilaa 1250 Mitir oo ah halka ay diyaaraduhu ku haadaan,waxaana Maamulka uu xusay in ay qorsheynayanaan in la gaarsiiyo ilaa 3000 oo Mitir mustaqbalka dhaw.

Mas’uuliyiinta halkaas tagay waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka,Cirka iyo dhulka Galmudug,Gudoomiyaha Hobyo, Ambasadoor Dhabancad, Engineer Abiir iyo Madax kale.

Waxaa sidoo kale iyana uu dayactir ku socdaa Dekadda Magaalada Hobyo iyo sidoo kale waddada xiriirisa Magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacuo oo ka wadatirsan Gobolka Mudug.