Xidigii hore kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ee Steven Gerrard ahna falaqeeye ka howl gala shabakada BT Sport ayaa qiray in maqnaanshiyaha Vincent Kompany ee inta ugu badan kulamada xili ciyaareedkan ee kooxda Manchester City, ay sabab u tahay saameynta ugu xoogan ay kooxda Pep Guardiola ku noqotay inay qeyb ka noqon weydo kooxaha ku tartamaya ku guuleysiga horyaalka Premier League. Vincent Kompany ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kulankii ay shalay kooxdiisa la ciyaartay Southampton, wuxuna kulanka ku soo idlaaday 3-0, xili gool ka mid ah uu kulahaa kabtanka kooxda Vincent Kompany, kadib kasoo laabashadiisa dhaawacii uu la dhibtoonayay tan iyo bishii August 2015. Kadib bandhigii wanaagsanaa kulankii Southampton ee Vincent Kompany ayaa wuxuu Steven Gerrard u sheegay “BT Sport”: “Manchester City waxay u tartami lahayd horyaalka Premier League, hadii uu Vincent Kompany qeyb ka noqon lahaa safkeeda tan iyo bilawga xili ciyaareedka, sababtoo ah waa xidig saameyn xoogan ku leh safka kooxda Pep Guardiola, sababtoo ah wuxuu qeyb ka yahay xidigaha howsha adag ka dhax qabta garoonka”. Si kastaba Manchester City ayaa haatan fadhida booska 3aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, kadib markii ay kulamadii ay kasoo ciyaartay ka heshay 64 dhibcood, waxayna 11 dhibcood u jiraan hogaamiyayaasha Chelsea, oo iyagu aruursaday ilaa iyo haatan 75 dhibcood.
Latest News
Qodobada ay ka wadahadleen Xoghayaha Arr. Debedda UK iyo Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly ayaa khadka isgaadhsiinta kaga wada hadlay, qodobo ay ka...
Tahriibeyaal Soomaali ah oo ku dhintay badda Giriigga
Ugu yaraan 22 qof oo Soomaali ah oo u badan dumar ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen xeebta dalka Giriigga, kaddib...
Taliye cusub oo maanta loo magacaabay BANAADIR kadib dilkii Farxaan Qaroole
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta magacaabay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir,...
QM Oo Ku Baaqday In La Baaro Tahriibayaal Liibiya Ku Dhintay Ka Dib Markii...
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Liibiya ayaa Axaddii wuxuu cambaareeyey “dilkii ugu foosha xumaa” ee loo geysto 15 tahriibayaal ah oo ka...
Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray dagaalkii shalay ‘oo maraya 100 dhimasho ah’
Xog cusub ayaa laga helayaa khasaaraha kooxda Al-Shabaab ay ka kulmeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka ee Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Jicibow,...
Xasan Sheekh oo baabi’iyey laba guddi oo uu sharci darro kuodhisay 0l9 Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kala diray Golaha Adeega Qarsoorka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo la...