Higuain vs Pique, Alves vs Neymar & Sadex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Juventus iyo Barcelona Kulanka Caawa.

0
1607

Juventus ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Barcelona kulan ka tirsan koobka Champions League, waxaana labada kooxood ay isku wajahi doonaan garoonka Juventus Arena ee magaalada Turin.

Barcelona kulankeedii horyaalka ee todobaadkaan waa laga adkaaday iyadoo Juventus ay adkaatay, balse caawa ayey qof walba u baahan tahay iney guuleysato si ay ugu yaraan ugu hamiso iney u gudubtay wareega Semi Finalka koobka.

Labadaan kooxood markii ugu dambeysay oo ay kulmaan waxey aheyd finalkii Champions League ee 2015 ka dhacay Berlin. 

Hadaba waxaa lasoo calaameeyay Sadex meelood oo ay ku kala badin karaan ama sadex iska hor imaad oo ugu yaraan sababi kara guusha iyo guuldarada kulanka.

Gonzalo Higuain vs Gerard Pique

Mid ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan jiilkiisa ayaa ka hor imaan doona mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan jiilkiisa, labaduba waa laba xidig oo awood buuxda leh, waxeyna labadooda kooxooda ku saacidi karaan awoodooda.

Gonzalo waa xiddiga ugu badan ee Bianconerri goolasha u dhaliya wuxuuna caawa isku dayi doonaa inuu gudbo xuduudka daafaca reer Spain si uu ugu yaraan kooxdiisa u saacido. 

Pique waxaa ku waajib ah inuu awood dheeraad ah lasoo baxo, mana ahan markii isugu horeysay ee waxey dhawr jeer isku wajaheen kulanka El-Clasico ee ah kan ugu weyn dunida kubadda cagta.

Paulo Dybala vs Javier Mascherano

Sida la filayo Javier Mashcherano ayaa caawa loo wakiilan doonaa doorkii Sergio Busquets kaas oo ganaax kaga maqan Balaugrana.

Waaya aragga reer Argentina ee horay usoo maray Liverpool ayaa ah mid ku xoogan inuu khadka dhexe ee burburiyaha ciyaaro, waxaana ka hor imaan doona wiilka da’da yar ee Paulo Dybala kaas oo ugu yaraan isku daya inuu ciyaartoyda dhex-jiiro.

Dybala haduu ka guuleysto Mashcerano kooxdiisa wax badan ayuu caawin karaa dhibaato badanna wuu gaarsiin karaa Barcelona, balse hadii Javier uu istaajiyo wiilka ay dhalashada wadaagaan, Juve wey ku adkaan kartaa xaaladda.

Dani Alves vs Neymar

Inkastoo da’da ay noqon karto meel ay ku kala guuleystaan, hadana Dani Alves wuxuu yaqaan qaab ciyaareedka Neymar, marka uu joogo Brazil iyo marka uu joogo Barcelona.

Wax badan ayey garoon isla galeen, waxeyna is wajahi doonaan muddo kadib iyagoo kala difaacaya laba kooxood.

Labadan xidig ee reer Brazil waxey labadooda kooxood ku caawin doonaan awoodooda iyadoo kii guuleystaa uu ugu yaraan kooxdiisa siin karo fursad ay guul ku gaarto.