Hordhac: Arsenal vs Manchester City – Wenger vs Guardiola – Gunners Oo Diyaar U Ah Iney Iska Dhaqdo Ceebtii Baggies.

0
1202

Arsenal ayaa soo dhaweyneysa Manchester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League iyadoo ujeedooyin badan ka leh kulankaan, waa marka koowaad waxey dooneysaa iney iska dhaqdo ceebtii ay biday West Bromwich Albion kulankii ugu dambeeyay, waxey dooneysaa iney ka aargudato Citizens, sidoo kalana waxey dooneysaa iney dib usoo nooleyso rajadeeda Afarta sare.

Dhanka kale Pep Guardiola iyo wiilashiisa waxey doonayaan iney dib ugu soo laabtaan booska sadexaad oo ay kala baxday Liverpool kadib guushii kulanka Merseyside.

Arsene Wenger wuxuu raadinayaa guushii sadexaad oo uu ka gaaro Pep Guardiola iyadoo la xasusto in kulankaan uu yahay kii 10-aad ee labada kooxood ay labada macalin tartan weyn kulmaan. 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Andre Marriner (England)

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Arsenal waxey ciyaari doontaa iyadoo uu ka maqan yahay goolhayahooda koowaad Petr Cec kaas oo dhaawac looga saaray kulankii West Brom ka hor ciyaaraha qaramada waxaana goolka ilaalin doona David Ospina.

Lucas Perez ayaa sidoo kale laga saaray kulankaan iyadoo Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ay kusoo bilaaban karaan inkastoo ay qaramadooda usoo ciyaareen todobaadkii hore, Santi Cazorla ma ciyaari doono xagaagan.

Dhanka kale Kevin de Bruyne iyo Raheem Sterling ayaa labaduba dhaawacyo yaryar sheeganayay maalmahii lasoo dhaafay balse diyaar ayey u yahiin kulanka inkastoo fursadooda aysan 100% aheyn.

Gabriel Jesus iyo Ilky Gundogan ayaa ah labada xidig ee ka maqan kooxda Pep. 

XAQIIQOOYINKA KUULANKA:

Arsenal ayaa lumisay kaliya hal kulan 19-kii kulan ee ay horay ee ay Citizens ugu qaabishay gurigeeda kulamada horyaalka, 12-guul iyo 6-barbardhac ayaa u dheeri ah.

Manchester City waxey dooneysaa iney minan iyo marti u garaacdo Arsenal hal xilli ciyaareed markii ugu horeysay tan iyo 1975/76.

7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay labadaan kooxood ku kulmaan horyaalka waxey iska dhaliyeen 27-gool, taasoo ka dhigan in kulankii isku cel-celis la iska dhaliyay 3.86.

 

Wenger ayaa kaliya guul gaaray laba jeer 9-kulan oo ay is arkeen Pep Guardiola, 5-guuldaro iyo 2-barbaro aya u dheeri ah labada guulna wuxuu ka gaaray Champions League.

Waa markii labaad oo ay Arsenal ka maqan tahay afarta ugu sareysa iyadoo la joogo April mudada Arsene Wenger, waxaana markii ugu horeysay ay dhacday April 2006.

Kulanka maanta marka la eego, Arsenal waxey ku qarash gareysay meel ka hooseysa Citizens kulamada horyaalka 1209 maalmood tan iyo bilowgii xili ciyaareedka 2011/2012, balse lixdii xili ciyaareed ee ka horeysay 2005/06 ilaa 2010/11 waxey kaliya gunners ka hooseysay Citizens 246-maalmood oo qura kala sareynta.

Theo Walcott ayaa dhaliyay 4-gool, afartiisii kulan ee ugu dambeeyay kulamada horyaalka oo uu wajahay Manchester City, balse gool ma dhalin tan iyo December markaas oo uu City ka dhaliyay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal:

Ospina; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Elneny, Ramsey, Ozil, Sanchez; Giroud

Man City:

Caballero; Fernandinho, Stones, Otamendi, Clichy; Sterling, De Bruyne, Toure, Silva, Sane; Aguero