Atletico Madrid oo laba jeer tiigsatay finalka tartanka Champions League sadexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa caawa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Leicester City kulan ka tirsan wareega quarter finalka lugtiisa koowaad.
Leicester City waxey wadataa wali wacdarahii ay ka dhigeysay qaaradda yurub, sanadkii hore Premier League ayey ka yaabsatay hadana si layaab leh ayey quarter finalka tartanka kusoo gaartay iyadoo si aan caadi aheyn kaga soo baxday Sevilla.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Atletico Madrid vs Leicester City
Tartanka: Champions League
Garoonka: Vincent Calderon
Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)
Garsoore: Jonas Eriksson
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Atletico Madrid wax dhaawac cusub ah ma qabaan, kaliya Kevin Gameiro kaas oo wali la xanuunsaya dhaawac sidoo kalana seegay kulankii Madrid Derby.
Dhanka kale Leicester City walwal badan ma heysto marka laga reebo iney dhaawac ku weyneyso kabtankooda Wes Morgan oo wax badan u tari lahaa.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Atlético Madrid ayaa soo gaartay quarter finalak tartanka Champions League markii afaraad oo xiriri ah, kaliya 1996/97 ayeyna darajadaas gaareen wixii ka horeeyay.
Atlético Madrid ayaa guul gaartay lix ka mid ah 8-kulan oo ay xili ciyaareedkaan ciyaartay Champions League, 1-barbaro iyo 1-guuldaro kaliya ayey la kulantay, ma jirto koox ka guulo badan.
Atletico Madrid waxey shabqeeda ilaashatay 15 ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay tartankan ku ciyaartay gurigeeda Calderon.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Atletico Madrid:
Oblak; Juanfran, Savic, Godin, Luis; Saul, Koke, Gabi, Carrasco; Torres, Griezmann.
Leicester City:
Schmeichel; Simpson; Benalouane, Huth, Fuchs; Mahrez, Drinkwater, Ndidi, Albrighton; Okazaki, Vardy.