Juventus ayaa booqaneysa guriga Napoli ee San Paolo iyadoo dooneysa ine kasii fogaato Roma sidoo kalana ay talaabo hormar leh u qaado hanashada horyaalkeedii 6-aad ee Scudetto inkastoo ay hadda 5-dhibcood ka sareyso kooxda caasimadda oo xalay 2-0 guul ah ka gaartay Empoli.
Gonzalo Higuain ayaa booqanaya gurigii uu kasoo tagay wax soo dhaweyn ahna kama sugayo Jamaahiirta Napoli madama uu xidigaan heerka caalami si aan wanaagsaneyn uga soo tagay kuna biiray kooxda ugu xun ee ay cadawga la yahiin.
Napoli waxey dooneysaa iney dhibaateyso Juventus sidoo kalana ay kusoo dhawaato booska labaad ee horyaalka oo ay fadhiso Roma.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Napoli vs Juventus
Tartanka: Serie A
Garoonka: San Paolo
Garsoore: Daniele Orsato (Italy)
Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB KULANKA?
Massimiliano Allegri ayaa doonaya inuu adeegsado shaxda u guuleysatay ee 4-2-3-1, inkastoo uu ka dhaawacmay Pjaca hadana tan iyo markii uu shaxdaan usoo wareegay wuxuu guuleystay 8-kulan, 9-kii ciyaar ee ay ciyaareen iyadoo ay xusid mudan tahay iney dhaliyeen 23-gool mudadaas.
Napoli waa koox ku xoogan markey gurigeeda joogto ku wanaagsan dhanka kubad heysashada iyadoo ay usii dheer tahay iney xamaasad gooni ah qabbaan marka ay wajahayaan Juventus. Mertens ayaana ah midka ugu halista badan kooxda ka dhisan talyaaniga.
Ma jiro xidig ganaax kaga maqan labada kooxood, waa u taam ciyaartoyda ugu wanaagsan ee labada dhinac, xidiga isha lagu heyn doono waa Gonzalo.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Napoli ayaa guul gaartay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay qeybta labaad ee horyaalka la ciyaartay Juventus.
Napoli ayaa lumisay kaliya hal jeer, 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada horyaalka gurigeeda ku qaabishay Juve, 6-guul iyo 2-barbaro u dheeri ah.
Markii ugu dambeysay oo ay Napoli guul gaarto laba kulan oo xiriir ah waxey aheyd labadii kulan ee ugu horeysay sanadkaan 2017.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
NAPOLI:
Reina, Albiol, Hysaj, Koulibaly, Ghoulam, Jorginho, Hamsik, Allan, Mertens, Insigne, Callejon.
JUVENTUS:
Buffon, Alves, Bonucci, Chiellini, Sandro, Khedira, Pjanic, Cuadrado, Mandzukic, Dybala, Higuain.