Inuu Aamusiyay Dadkii Shakiga Galiyay, In Loga Bahan Yahay Premier League-ga, Inuu Isku Tilmaamay Libaax & Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Man United.

0
1229

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa ka dhawaajiyay inuusan wali maankiisa ku mashquulin inuu heshiis cusub u saxiixo Red Devils.

35-jirka reer Sweden ayaa dhaliyay goolkiisii 27-aad ee waayahiisa Red Devils tan iyo markii uu kooxdaan yimid xagaagii laso dhaafay, wuxuuna guuldaro ka badbaadiyay daqiiqadahii dhimashada kooxdiisa kulankii Everton ee ka dhacay Old Trafford.

Heshiiska uu kula jiro Red Devils wuxuu dhacayaa dhamaadka xagaagan, waxaana lala xiriirinayaa inuu u laabanayo Ac Milan ama uu u wareegayo America, iyadoo ayba jiraan warar sheegaya inuu heshiis la gaaray LA Galaxy. 

Waxaan imid halkaan anigoo 35-jir ah, qof walba wuxuu ku fakarayay inaan ahaa hawlgab, maxaa dhacay? libaaxa wali waa nool yahay, waana sida ay tahay”

“Waxaan u cadeeyay qof walba hadalkiisa inuu qaldan yahay, sinaba uma maqlo hadalka, sinaba uma ahan madadaalo, sababtoo ah dadka i neceb waxey ii noqdeen taageero”

“Waxaan ahay 35-jir, balse bilo kadib noqonaya 36-jir, taasina waxey cadeyneysa kaliya tirada, waa inaan joogteeyo, sidoo kalana dadka kale aan ka dhigo kuwa iga weyn”

“Waan ogahay in Premier League uu iga baryayo inaan joogo, waan imid halkaan, waxaan iri waxaan u baahanahay hal sano waxeyna igu qaadatay 3-bilood wixii aan u baahnaa”

Sida aan dareemayo maanta, ma garan karo hadii aan dareemi doono sanadka kale”