Jose Mourinho Oo Ugu Dambeyn Runta Iyo Xaaladda Ay Kooxdiisa Ku Jirto Ka Aamusi Waayay, Muxuu Yiri?

0
1208

Tababare Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in Manchester United aysan u dhaweyn halka uu rabay iney joogaan sida uu wareysi ku bixiyay ka hor kulanka Sunderland.

Red Devils ayaa wajaheysa Sunderland kulan ka dhici doona Stadium of Light maanta, waxeyna wali dhisi kartaa rajadeeda afarta ugu sareysa inkastoo aan 20-kulan wax guuldaro ah la dhadhansiin kulamada horyaalka.

Red Devils barbaro ayey la dhaafi weysay Everton kulankii ugu dambeeyay waana barbarahii 10-aad ee ay galaan xili ciyaareedkaan taasoo wali baaqi uga si dhigtay kaalinta 6-aad. 

Aad baan uga fognahay inaan dhaqaaqno, marka aad ka hadasho 20-kulan oo guuldaro la’aan ah hadana aad aad ka hadleyso wax ku saabsan kaliya 3-guul, aad bey u kala duwanaan doontaa” ayuu yiri Jose.

“Kama hadlayo waxa ku saabsan afar, shan, lix ama todoba guul, kaliya sadex, kulankii Bournemouth waxaan qasaarinay rigoore, Hull waxey kubad kasoo saartay xariiqda waqtigii dhimashada, labada kulan waxey ahaayeen ebar iyo ebar”

“Sidoo kale waxaa jiray kulamo sidaas oo kale ah, in ka badan sadex guuldaro waxey nagu xasilin laheyd afarta sare inagoo heysana laba kulan, waxaana u ciyaari laheen inaan ku dhameysano laba ama sadex. sida aan hadda nahay ma xuma, warbixinada ayaa ka dhiganaya iney u muuqato mid ka xun sidey dhabtu tahay”