Ka dib labadii gool ee uu dhaliyay Lionel Messi kulankii ay xalayto ka badiyeen kooxda Real Sociedad ayaa keentay inuu sii xajisto hogaanka uu u hayo tartanka abaalmarinta kabta dahabka ee European Golden Shoe isagoo leh 29 gool oo u dhiganta 58 dhibcood.
Laakiin waxa uu xilli ciyaareedkan tartan adag kala kulmayaa weeraryahanka reer Holland ee kooxda reer Portugal Sporting Lisbon xiddiga lagu magacaabo Bas Dost kaasoo isna dhaliyay 28 gool waxaana uu leeyahay 56 dhibcood isagoo ku xiga Lionel Messi.
Kaalinta seddexaad waxaa ku jira xiddiga Bayern Munich Robert Lewandowski kaasoo dhaawac ku maqnaa isbuucaan waxaana uu leeyahay 26 gool oo u dhiganta 52 dhibcood. Waxaa la mid ah oo ay isku dhibco yihiin weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre Emerick Aubameyang kaasoo isna dhaliyay 26 gool.
Weeraryahanada Torino iyo Roma ee Belotti iyo Dzeko ayaa iyagana dhaliyay min 25 gool waxaana ay ku kala jiraan kaalimaha shanaad iyo lixaad iyagoo wadaaga 50 dhibcood
KALA SAREYNTA TARTANKA KABTA DAHABKA YURUB
# |
Magaca Gooldhaliyaha |
Kooxda |
Goolasha | Wadarta Dhibcaha | ||
1 |
L. Messi |
FC Barcelona |
29 |
58.0 |
||
2 |
B. Dost |
Sporting CP |
28 |
56.0 |
||
3 |
R. Lewandowski |
Bayern München |
26 |
52.0 |
||
4 |
P.E. Aubameyang |
Borussia Dortmund |
26 |
52.0 |
||
5 |
A. Belotti |
Torino |
25 |
50.0 |
||
6 |
E. Dzeko |
AS Roma |
25 |
50.0 |
R. Lukaku |
Everton |
24 |
48.0 |
|||
8 |
A. Modeste |
1.FC Köln |
23 |
46.0 |
||
9 |
L. Suarez |
FC Barcelona |
23 |
46.0 |
||
10 |
G. Higuain |
FC Juventus |
23 |
46.0 |
||
11 |
E. Cavani |
Paris Saint Germain |
29 |
43.5 |
||
12 |
M. Icardi |
FC Internazionale |
21 |
42.0 |
||
13 |
H. Kane |
Tottenham Hotspur |
20 |
40.0 |
||
14 |
D. Mertens |
SSC Napoli |
20 |
40.0 |
||
15 |
C. Ronaldo |
Real Madrid |
19 |
38.0 |