Kenya iyo Netherlands oo iska-kaashanaya Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

0
1761

Dowladdaha Kenya iyo Netherlands ayaa si wadajir ah qalinka ugu duugay xoojinta la Dagaalanka Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Waxaa labada Dowladdood ay ku heshiiyeen in ay wadaagaan xogaha Xarakada Al Shabaab iyo ka hortaga ganacsato ay sheegeen in ay yihiin kuwa teegaara fekerka Al Shabaab.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Kenya, Amina Mohamed ayaa sheegtay in muhiimada 1-aad ay tahay sidii looga adkaan la ahaa Al Shabaab iyo Kooxda Daacish.

Dowladda Kenya ayaa weli wada Dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Al Shabaab, inkastoo Xarakadu ay weeraro xoogan ka geysato qeybo ka mid ah Dalkaasi Kenya.