Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay Weeraro qorsheysan oo Xarakada Al Shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka Mombaza, Nairobi iyo sidoo kale Saldhigyada ay ku leedahay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa tilmaamtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , islamarkaana ciidankeeda ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo Sidoo kale xadka ay wadagaan labada dal.
Kenya Waxaa ay xustay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorshanayaan weeraro ay ka geystaan dalka Kenya , gaar ahaan magaalooyinka Gaarissa iyo Mandera ee gobolka Waqoo Bari ee dalka Kenya.
Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii dowladda Kenya boqolaal ka mid ah Askarteeda ay soo dhoobtay Xadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya
Al-Shabaab ayaa horay u sheegay inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya, ilaa ciidamada Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya.