Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan ayaa ka hadlay shirka bisha soo socota ka furmi rabo Dalka Ingiriiska ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.
Waxaana Mudane Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu Hoosta ka xariiqay in shirkaas haddii uu yahay mid looga tashanayo Aayo Soomaaliyeed ay dalka u matalaan Madaxda Dowladda Federaalka islamarkaana aanu boos uga banaaneyn Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada ka jira Dalka sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ayaa ugu baaqay Dowladda Ingiriiska in wixii quseeya Arrimaha Soomaaliya ay kala xaajooto dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo uga digay in wax aan u qalmin umadda Soomaaliyeed aysan kula macaamilin .
Hadalka Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho uu shir uga furmi rabo Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka kaas oo warar soo baxaya ay sheegayaan in looga hadli rabo hanaanka looga qeyb galayo shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee bisha soo socota ka furmaya Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.