Madaxweyne Farmaajo: Waxaan xooga saarayaa la dagaalanka Musuq maasuqa

0
791

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxuu shaaca ka qaaday in ahmiyada 1-aad uu siin doono ka hortaga musuq maasuqa ee hareeyay Hay’addaha Dowladda Soomaaliya.

Waxaa Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in musuq maasuqa iyo Al Shabaab ay isku mid yihiin, islamarkaana Dowladiisa ay halmeel uga soo wada jeesan doonto.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ku jirto saddex dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, loona baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dhammaan qeybaha bulshada.

Sikastaba, hadalka ayaa Madaxweynaha waxuu imaanayaa xili Qaraxyo xoogan ay siyaabo kala duwan uga dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.