Mascherano, Messi & Suarez Oo Qorshihii Lagu Garaaci Lahaa Juventus Ku Dejiyay Baskii Ay Soo Raaceen Ka Dib Guuldaradii Malaga

0
1184

Ciyaartoyda Barcelona ayaa ahaa kuwa ay si aad ah u dhaawacday guuldaradii ka soo gaartay Malaga, waxaana ay baska kooxda soo raaceen iyagoo niyadjabsan laakiin sidoo kalena carro ay ka buuxdo, waxaana ay doonayeen inay jawaab celin degdeg ah bixiyaan sida ugu macquulsan.

Sida ay qortay jariirada Barcelona ka soo baxda ee Sport kooxda ayaa durbaba ka fekereysa kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan Juventus, waxaana ay ahaayeen kuwa doonaya inay qaab ciyaareed heer kale ah ku soo bandhigaan Turin.

Seddex ka mid ah ciyaartoyda ugu madaxa weyn kooxda, Javier Mascherano, Leo Messi iyo Luis Suarez ayaa si wadajir ah u fariistay baska kooxda iyagoo wadaagayay miis yar islamarkaana cunayay cunto loo sii diyaariyay ka dib ciyaartii Malaga. Mascherano ayaa ahaa xiddiga ugu hadalka badan seddexda ciyaaryahan sida ay qortay Sport, isagoo caagaga biyaha ee miiska saarnaa ku tusaale biixnayay taatikooyin xal u noqon kara kooxda. Luis Suarez ayaa kula biiray halka Messi uu inta badan ka aamusnaa inkastoo uu fekrado ku darsanayay.

Sida ay Sport sheegeyso waxaa wajiyadooda ka muuqday xanuun, laakiin ma jirin aamusnaan sida dhacda guuldarrooyinka kale. Waxaana ay doonayeen inay madaxa kor u qaadaan oo ay xal raadiyaan.

Habdhaqanka seddexda ciyaaryahan waxa ay soo bandhigtay sida ay ciyaartoyda u doonayaan inay dib ugu soo laabtaan qaab ciyaareedkooda fiican kulanka Juventus” ayay qortay Sport.

Waxa ay sidoo kale jariiradaan sheegtay in codkaas dhabta ah uu sidoo kale ka yimid Iniesta iyo Busquets kuwaasoo ku gubaabinaya kooxda inay soo bandhigaan awooda ay ku leeyihiin Champions League si ay uga fogaadaan natiijo xun oo u horseeda inay soo laabasho kale ku sameeyaan Camp Nou.

Qaar ka mid ah xiddigaha kale ee magaca weyn ee kooxda lama aysan joogin seddexdaan xiddig markaas sida Neymar. Casaankii uu qaatay ayaa ka careysiiyay waxaana uu baska ku koray si orod ah. Ma uusan ku jirin xaalad uu ku sheekeeyo ama ku kaftamo.