Mas’uuliyiinta Hirshabeelle oo xoogga Saaraya Xaqiijinta Amniga

0
793

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle ay xoogga Saari doonaan Xaqiijinta Ammaanka degaanada maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan Bulshada kunool degaanada Hirshabeelle in ay ka qeyb qaataan Xaqiijinta Amniga.

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay Mas’uuliyiinta degaanada maamulka Hirshabeele oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin Xaqiijinta Amniga. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in ay bilaabi doonaan howlgallo lagu dagaalamaayo Al-Shabaab.