Miyuu Gabriel Jesus Taam Buuxa U Noqon Karaa Kulanka Arsenal Ee Semi Finalka FA Cup-ka?

0
1315

Gabriel Jesus ayaa tartan adag u gali doona inuu taam buuxa u noqdo kulanka adag ee ay kooxdisia 23-ka April la ciyaari doonto Arsenal, kulan ka tirsan koobka qadiimigaah ee FA Cup.

Jesus ayaa tababarka kusoo laabtay isagoo kasoo kabsaday jabkii laba bilood ka hor kasoo gaaray lafaha faraha ee lugtiisa midig, inkastoo aan la ogeyn sida uu taam buuxa u noqon karo ciyaartaan.

Pep Guardiola ayaan hubin in xidigaan uu ciyaari karo kulanka ay Wembley isku qaban doonaan dhigiisa Arsene Wenger dhamaadka bishaan. 

Goorma ayaa la ciyaarayaa Semi Finalka? ayuu yiri tababaraha City, “Laba isbuuc? waxey ila tahay iney aad u dhaw-dahay”

“Waxaan ku fakareynay semi finalka Champions League, balse nasiib xumo wuu na dhaafay, waxaan rajeynayaa inuu yimaado Finalka hadii aan gaarno, ma garan karo”

“Wuu soo wanaagsanaanayaa, maalmahii ugu dambeeyay ee qoraxda jirtay, garoonka ayuu nala joogay, caadi ahaan markaad aragno cimilada Manchester, waad ka tageysaa garoonka”