Monitoring Group oo ka walaacsan Xadgudub lagu sameeyay Xayiraadda Hubka ee saaran Soomaaliya

0
1049

Guddoomiyaha Guddiga Golaha Ammaanka ee la socodka Xayiraadaha dhanka Hubka ah  ee saaran Dalalka Somalia iyo Eritrea, KAIRAT UMAROV ayaa waxuu sheegay in uu ka walaacsan yahay xadgudub lagu sameeyay cunaqabateynta saaran labadaasi Dowladdood.

Guddoomiye Kairat Umarov ayaa sheegay in Kooxda Monitoring Group ay baaritaan ku hayaan 25 Kun oo qori oo lagu qabtay dooni, oo weli aan la shaacin hadii ay u socotay Xoogaga Al Shabaab.

Waxuu sidoo kale walaac ka muujiyay khatarta Xarakada Al Shabaab oo uu ku tilmaamay kuwa sababay xaalad Ammaan.

Waxaana Guddoomiyaha uu soo jeediyay in la adkeeyo amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiga Golaha Ammaanka ee la socodka xiyaaradaha saaran labadaasi Dowladdood ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho ay muddooyinkii dambe ka dhacayeen Dilal qorsheysan iyo Qaraxyo geystay khsaaro kala duwan.