Mourinho < Van Gaal - Sababta Uu Hollandes-ka Kaga Wanaagsan Yahay Portuguese-ka Ilaa Iyo Haatan.

0
2058

Jose Mourinho ayaa loo dhiibay shaqada kooxda Manchester United kadib markii maamulka ay ku qanci waayeen hanaanka Louis Van Gaal iyadoo ugu yaraan ay ka filayeen inuu sameeyo hanaan ka wanaagsan macalinka reer Holland.

Balse waxaad moodaa in “The Special One” uu ku fashilmay inuu ka saramaro Louis Van Gaal marka la eego sida uu kooxda guulaha u gaarsiiyay mudadiisa gaaban iyadoo lasoo calaameynayo in LVG uu ahaa kan fiican marka la eego 29-ta kulan ee ugu horeysa labada macalin kulamada horyaalka Premier League.

Jose Mourinho wuxuu helay 54-dhibcood 29-kiisa kulan ee ugu horeeya horyaalka Premier League, wuxuna laba ka hooseyaa Louis Van Gaal kaas oo helay 56-dhibcood. Macalinka laga ceyriyay shaqada United ee Louis Van Gaal wuxuu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kooxda keenay kaalinta 4-aad sidoo kalana ka qeyb galiyay koobka horyaalada yurub.

Red Devils haatan waxey 4-dhibcood ka hooseysaa Manchester City oo ku jirta booska 4-aad ee horyaalka inkastoo ay caawa la ciyaari doonto Chelsea.

Ugu dambeyntiina Jose Mourinho wuxuu u baahan yahay dadaal waali ah 9-ka kulan ee uga haray horyaalka si uu ugu yaraan ula heer noqdo ama uga sara maro dhibcahii uu keensaday LVG.