Muxuu Tababare Luis Enrique Ka Yiri Guuldaradii Malaga & Hamigooda Horyaalka La Liga?

0
1266

Tababare Luis Enrique ayaa si kooban uga hadlay kulankii ay kooxdiisa guuldarada kala kulantay Malaga iyo sidoo kale waxa ku saabsan hadii kulanka El-Clasico uu go’aamin karo horyaalka.

Enrique oo aaminsan iney soo martay fursad dahabi ah ayaa hadana qiran in xitaa kulanka El-Clasico uusan go’aamin karin horyaalka isla markaana kooxda ku guuleysanaya laga doonayo iney keensato dhibco ka badan koox walba oo kale.

Dhanka kale Luis Wuxuu ka hadlay casaankii Neymar iyo sida uusan garsooraha u abaalmarin xidigaha Malaga ee u qalmay kaararka. Waxaan rumeysanahay in sharaxaadda kaarka jaalaha uu ahaa mid qaas ah” ayuu yiri tababaraha Balaugrana oo hadlayay kadib kulanka. 

Waa inaan ka taxadarnaa kulamada qaar sababtoo ah waxey ila tahay iney jireen taakalo xun halkaas oo ay si cad ugu qalmeen in kaar lagu siiyo Malaga, xiligaas oo uu Neymar xiranayay xarkaha kabahiisa”

“Waxaan uga falcelinay waqtigaas si wanaagsan, waxaan ku qasbanahay inaan si wanaagsan uga falcelino gabigeedba”

Dhanka kale Luis Enrique ayaa ka hadlay hadii ay Madrid siiyeen dhibco faa’iido u ah isagoo soo jeediyay in kulanka El-Clasico uusan go’aamin doonin horyaalka.

“Sidas uguma fakaryo, hadii aanan garaacin Real, waxba qiimo ah malahan sinaba” Ayuu yiri Luis Enrique, “Wey wanaagsan tahay in la tartamo sababtoo ah waxey horyaalka ka dhigeysaa mid soo jiidasho leh”

“Balse horyaalka waxaa qaadan doona kooxda dhibcaha ugu badan hesha, kulankii Malaga waxaan heysanay fursad aad u fiican”