Muxuu Xavi Hernandez Ka Yiri Kulanka Caawa Ee Juventus & Barcelona? Weeraryahankee Ayuuna Doortay Higuain v Suarez?

0
1440

Xavi ayaa filanaya in Juventus ay sugi doonto kaliya kubad rogaal celiska ah kulanka caawa ay la ciyaarayaan Barcelona, waxaana uu aaminsan yahay in Paul Dybala inuu ku haboonaan lahaa ciyaarta Barcelona.

Halyeeyga Blugrana ayaa ciyaaray kulankiisii ugu danbeysay ee kooxda finalkii Champions League ee ay ka qaadeen Juventus sannadii 2015, waxaana uu ciyaarta caawa kakal hadlay jariirada Marca.

“Xusuusteyda ciyaarta waa mid weyn, inaan badiyo kulankeygii iigu danbeeyay anigoo ciyaaryahan Barcelona ah islamarkaana aan ku guuleysto koobka waxa ay aheyd cajiib.” ayuu yiri Xavi.

“Inaan ciyaaro finalka Champions League, xitaa haddii aheyd 10 daqiiqo oo aan ku guuleystay korna u qaado koobka waxa ay aheyd wax cajiib ah. Haatan Barcelona wax yar ayay isbedeshay. Si kastaba Juventus waxa ay keensadeen ciyaartoyda sida Higuain, Dybala, Mandzukic iyo Alves, waxa ay sidoo kale si weyn u badeleen khadkooda dhexe sababtoo ah haatan ma heystaan Pirlo, Vidal ama Pogba. 

Barcelona waxa ay heysataa dhamaan agabyada, Luis Enriqye isna aad ayuu ugu fiican yahay heerka taatikada. Sida hubaasha ah si aad ah ayay u shaqeeyeen, waana ay dhiraandhiriyeen Juventus.

“Barcelona waxa ay heysan doontaa kubada, Juve waxa ay sugi doontaa kubad rogaal celis ah si ay weerar toos ah ugu qaado Higuain iyo Dybala. Kulanka waxaa go’aansan doona ciyaartoyda waa weyn oo ay labada kooxood heystaan.
“Juventus waxa ay heystaan daafac adag oo ka sameysay Bonucci, Barzagli iyo Chiellini. Ka dib waxa ay heystaa Buffon, ma ahan wax kama ku dhacay inuu ciyaaray KUN kulan sababtoo ah waa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican taariikhda. Inta badan guulaha Juventus isagoo u sabab ah.

“Khabiirada gadaal jooga waa muhim, afka horena kuwa badan ayaa jooga.

“Barcelona ayaa ka dhigayaa kooxda ugu cadcad, in gool la dhaliyo mar walba waa muhim kulamada ceynkaan oo kale ah, labada kulana muhim ayay noqon doontaa gooldhalinta.
“Aniga ahaan lama filaan ayay ii noqon doontaa haddii midkoodna labada kooxood uu shabaqa ilaashado.”

Xavi ayaa sidoo kale la weydiiyay xiddigaha reer Argentina ee Bianconeri Paulo Dybala iyo G0nzalo Higuain.

“Dybala aad ayuu ugu fiicnaan lahaa ciyaarta Barcelona. Waa ciyaaryahan tayo fiican leh, tayadiisa dabiiciga ah ayuuna dhibaatooyin ku abuuri karaa.

“Luis Suarez ama Higuain? xiddiga reer Uruguay ayaa ah No 9 ugu fiican dunida waqti xaadirkaan. Higuain waa la mid ah laakiin ku heer ma ahan.”