Neymar Oo Ka Fiirsanaya Inuu Isaga Tago Barcelona & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Yurub Ka Soo Baxa

0
1321

in ka yar seddex bilood ayaa ka harsan marka uu furmayo suuqa kala iibsiga xagaagan, xanta suuqa ayaase ah mid aan joogsanin had iyo jeer iyadoo xiddigo waa weyn lala xiriirnayo inay kooxo cusub u ciyaari doonaan xilli ciyaareedka soo socda.

Hadaba waxaan egeynaa wararkii ugu waa weyn ee ay jariiradaha ka soo baxa Spain, Italy, Germany iyo France ay qoreen maanta. 

Spain

Weeraryahanka Barcelona Neymar ayaa ka fiirsanaya inuu ka tago Cam Nou sida uu sheegay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez. 25 jirkaan oo diirada u saaran Real Madrid iyo Manchester United ayaa qandaraaskiisa haatan ee Barcelona waxaa lagu burburin karaa 173 milyan ginni. (Diario Gol)

Xiddiga Everton Gerard Deulofeu ayaa wacdarro ku dhigaya heshiiska amaahda ee uu ku joogo AC Milan, isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday seddex kale 10 kulan oo Serie A ah uu ku soo bilowday. Waxa uu qaab ciyaareedkiisa fiican soo jiitay kooxdiisa hore ee Barcelona kuwaasoo rag u diray inay soo daawadaan 23 jirkaan kulankii ay Milan 4-0 kaga badisay Palermo iyadoo xiddiga reer Spain uu dhaliyay goolka afaraad. (AS)

K0oxda Atletico Madrid ayaa qandaraaska iyo mushaharkaba u kordhineysa weeraryahanka Faransiiska Antoine Greizmann si ay meesha uaga saaraan xiisaha Real Madrid iyo Manchester United. (El Pias) 

Italy

Juventus ayaa ku dhow inay si joogta ah kula wareegto xiddiga ay haatan amaahda ku heystaan ee Chelsea Juan Cuadrado iyagoo kula wareegaya heshiis 25 milyan ginni. Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa heshiis seddex sannadood oo amaah ah ku heysata xiddiga reer Colombia ilaa iyo 2019. (Calciomercato)

Xiddiga diirada u saaran Chelsea iyo Manchester United Franck Kessie ayaa waxaa qiimeyneysa xaaladiisa kooxda Juventus. Xiisaha kooxda ee xiddiga reer Ivory Coast ayaa qaboobay laakiin 20 jirkaan khadka dhexe ayaa ku soo laabtay diirada Binaconeri. (Il Tempo)

France

Daafaca dhexe ee amaahda ku jooga Crystal Palace Mamadou Sakho ayaan meesha ka saarin inuu dib ugu laabanayo kooxda iska leh ee Liverpool xilli ciyaareedka danbe. Wareysi uu ku bixiyay dalkiisa Faransiiska, 27 jirkaan ayaa sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu mar kale ka hoos ciyaaro Jurgen Klopp. (Telefoot)

Germany

Bayern Munich ayaa bartilmaameedsaneysa 20 jirka khadka dhexe ee Valencia Carlos Soler iyagoo u arka bedelka mudada dheer ee Xabi Alonso. Xiddigii hore ee Liverpool iyo Real Madrid ayaa ciyaaraha ka fariisanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sport Bild)

Kooxda Liverpool ayaa niyadjab kala kulantay doonisteeda xiddiga kooxda Bayer Leverkusen Julian Brandt ka dib markii ay Bayern Munich heshiis 30 milyan euro ah ka gaartay saxiixiisa inkastoo uu ciyaaryahan wadahadal la yeeshay tababare Jurgen Klopp. (Sport1)