Ozil → United, Kante → Real, Griezmann → Chelsea & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

0
1900

Man United ayaa isku dayi doonta iney lasoo saxiixato kubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil kaas oo 28-jir ah, si uu ula midoobo Jose Mourinho. (Mirror)

Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday in mustaqbalkiisa ay muhiim u tahay joogista Arsene Wenger, balse wuxuu diiday inuu meesha ka saaro inuu ka tago Gunners Xagaagan. (Mail)

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa saxiixi doona heshiis cusub oo kooxda kusii heyn kara ilaa 2019. (Star).

Real Madrid ayaa bartilmaameedka ugu weyn xagaagan ka dhiganeysa Eden Hazard oo 26-jir ah, iyadoo Zidane iyo Perez ay xidigaan aad ugu baahi qabaan. (L’Equipe).

Real Madrid ayaa qorsheyneysa iney dalab ka gudbiso 26-jirka heerka caalami ee qaranka France iyo Atletico Madrid Antoine Griezmann. (L’Equipe) 

Chelsea iyo Manchester City ayaa sidoo kale ka fiirsan doona iney u dhaqaaqaan xaaladda xiddiga 86-da Malyan Ee Pound lagu qiimeeyo ee Antoine Griezmann. (Mail).

Man United iyo Paris S-Germain ayaa labaduba isku dayi doona iney lasoo saxiixdaan xiddiga France iyo kooxda Spurs Hugo Lloris kaas oo 30-jir ah xagaagan. (Express)

Manchester City ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa garabka Crysal Palace iyo qaranka Ivory Coast Wilfried Zaha kaas oo 24-jir ah, si uu qeyb kaga noqdo saxiixyada lagu xoojin doono kooxda Pep Guardiola. (Sun)

Real Madrid ayaa markaan usoo banaan baxday iney dalab 51 Malyan oo Pound ah u gudbiso Chelsea iyadoo ka dooneysa N’Golo Kante. (Le10 Sport)

Manchester City ayaa xiisaha Alexandre Lacazette kula biirtay Arsenal iyadoo diyaar la ah iney Lyon ku wareejiso aduun dhan 40 Malyan oo Pound. (Mirror).